Home BEERAHA
HORUUMARINTA BEERAHA PUNTLAND PDF Print E-mail
Written by Administrator   
Sunday, 03 August 2008 16:53

Horuumarinta Beeraha Puntland.

Dad badan baa u riyaaqay maqaalka “Biya la’aanta Puntland Xal Loo Hel”. Hadaba hadii biya la helo maxaa lagu qabsan karaa? Hadii beeraleyda loo hela biyo ay ka haqa beelaan maxay ku samaysan karaan?

 

 Waxay ku waraabsan karaan beeraha iyagoo isticmaalaya dhowr nooc oo beera waraabinta ah. Midi waa rushaynta iyagoo isticmaalaya qasabado biyaha qaada, una isticmaalaya matoorada korontadooda laga dhaliyo quwadda qorraxda. Waxay abauurikaraan noocyada badan ee khayraadka beeraha, dhowr goor sannadkiiba.


Sidoo kale waxay isticmaali karaan nooca biya fatahaada. Iyadoo ay u samaynayaan kelliyo qaada biyaha una qaybiya beerta dhinacyadeeda. Sidoo kale waxay rabaan bay beeri karaan. Hadba noocaan waraabinta beeraha waxaa u shardi ah in dhulku badanaaba simanyahay ama in yar kala sarayo. Kuma fiicna dhulka janjeera.

Dhulka janjeera waxaa loo samayn karaa dhul googo’an oo sallaan ah (terrace farming), iyadoo biyaha lagaga soo bilaabayo dhanka sare. Ama waxaa loo isticmaalayaa nooca biya rushaynta.
Waxayna abuuri karaan khudaarta cagaaran oo nooc walba ah sida begelka, carmada, raasow, koostada, kabashaka, barbarooniga, basasha, reexaanta, kabsarta, kaamuunta, toonta, basbaaska iyo cagaarka la cuno.
Waxaan intaa sii dheer in ay ka dhinac abuuri karaan geedaha miraha dhala sida cambaha, babayga, canuuniga, cananaaska, liinta ugunjiga, dhanaanta, bambelmada, liin xaali, zeytuunka, canabka, mooska kala noocyada ah (moos sokorow, moos Somaliga, dameeriga, bakeeniga), xamarta-raqayga, qaraha (xab-xabka), kiiwiga, fragolaha (Ststrawberry), duflaha, tufaaxa, darayga, canjeelka, jicibta, hohobta, timir busirida, qoonaha, qumbaha iyo wixii la mid ah. Dhulka qaarkiis wuxuu ku fiican yahay in lagu abuuro dacarta, toombaakhda, Xaskusha, cawda, cawaagta, iyo wixii la mid ah.

Waxaanu diirada u qabanaynaa sidii loo tacbi lahaa loona badin lahaa dhulka lagu talaalo galeyda, haruurka, qamadida, heeda, sarreenka, digirta cagaaran, salbukada, lauska, sisinta, gabaldayaha, yaamka, moxogga, sinjibiisha, baradhada nooc walba, gocosada, yaanyada, bocor katiitowga, batiiqa, qorafuulka, qorfaha, jawsul hindiga, haylka, qajaarka, yaaqa, beydaanka,, murcoodka iyo khayraadka fara badan ee ka baxa dhulkeena.
Waxaase muhimad weyn maamulkayagu siinayaa sidii wadanku uga haqab beeli lahaa wax soo saarka beeraha uuna u noqon lahaa mid bedela cunnada dibadda laga keeno, ayna Puntland u gaari lahayd heer ay khayraadka beeraha u dhoofiso dibadda

Waxaanu dhiiri gelinaynaa sidii lagu dhisi lahaa warshada yar-yar oo warshadaya kheyraadka beeraha. Si loo soo jiito maalgelinta gudaha iyo maalgelinta qurba joogta, waxaanu u fidineynaa canshuur dhaaf 10-15 sano ah, jidad isku xidha warshadaha iyo beeraha.
Waxaa maamulkayagu sahlayaa sidii loo taageri lahaa beeraleyda looguna fidin lahaa deeq iyo deyn beereed anagoo dhisayna bangiga beereha deynta siiya (Banco del credito agricolo/Agricultural credit bank).

Waxaa jira togag iyo waadiyo badan oo markuu roobku da’o biyohooda ku fataha badaha. Waxaa qorshaha noogu jira in togagaas loo samayo biya xireenno iyo dhul ballaaran ee lagu keydiyo biyaha. Aaga biyaxireenada waxaa laga samaynayaa mashaariic beereed lagu abuurayo bariiska iyo khayraad kale ee beeraha.
Waxaanu qorshaynay in miro badan oo ka baxa wadama kale, cimilad ahaanna ku haboon in ay ka baxaan Puntland iyo Somalia aanu soo gelino. Mirahaasi waa kuwa ka baxa wadamada aynu isla cimiladda nahay.
Maamulkayaga waxaa qorshaha ugu jira in la samayo warshado yaryar oo qaabilsan warshadaynta khayraadka beeraha. Warshadaha qaarna waxaa yeelanaya dawladda, qaarna shicibka, qaarna waxay noqonayaan isla wadaag shicib iyo dawlo.

Last Updated ( Sunday, 03 August 2008 16:58 )
 

Random Image

mel_2.jpg

Campaign Donation

This is a great cause. Please donate to this campaign to help us shape the future of Puntland the state of Somalia and the future of our children in the diaspora.

THANK YOU

Puntland For Change.   Puntland Change Home Page.