|
BEEYADA, MAYDIGA, IYO XABKAHA KALE EE PUNTLAND |
|
|
|
|
Written by Administrator
|
|
Sunday, 03 August 2008 17:17 |
|
Beeyada, Maydiga iyo Xabkaha Kale- Gums and Rasins
Waxaa maamulkayagu horuumar ku samaynayaa sidii loo beeri lahaa beeyada (olibanum) geedaha xabkaha sida mal-malka (myrrx), qaroonta, xagarka, muqlaha, dharkeynta, hadiga ee wadankeenu ku can baxay waagii faraaciinta, oo la inoogu bixiyey Puntland (Dhulkii Ilaah-Land of God), ama dhulka uduga ee boqortooyadii shanaad ee Shiinaha. Waxaa kaloo ka mid ah horuumarinta dhirta dhacaankeedu yahay dawada dadku isku da’ yarayaan sida dacarta (aloe), hadiga (opoponax), diisiga oo si dabiici ah noogu baxa. Qiimihii ay waagii hore lahaayeen waa sara kacay haddeer, waxayna khayraadkaasi soo gelinayaan lacag adag wadanka.
Walowba aanu soo bandhigeyno maqaal u gaar ah horuumarinta xabkaha iyo dhirta udugga ee Puntland, waxaan halkaan ku xuseynaa in aanu wadanka si toos ah ugu soo xirayno shirkadaha isticmaala iyadoo aanu dhexda ka saareyno dhex yaalka sicirka hoose kaga gada dadkeena, qaaligana uga iibiya shirkadaha isticmaala. Waxaa wada hadallo noo socdaan afar shirkadood oo Mareykanka ah, laba shirkadood oo Spanish ah, hal shirkad oo Shiina ah oo si toos ah u isticmaala beeyada iyo maydiga. Waxaanu ka dhalinaynaa xiriir toos ah iyadoo aanu ku casumayno wadanka shirkadahaas si ay u doortaan noocyada ay doonayaan ayna nooga caawiyaan beeridda iyo badinta dhirta xabkaha. Waxaanu ka furaynaa laba machad oo qaabilsan daraasadaha xabkaha Puntland iyo beeritaankooda. Ilaahay dhul ballaaran oo wanaagsan buu inoogu deeqay. Puntland way ka badan tahay Somalida o dhan. Hadaba aynu Ilaah ku mahadino oo aynu iska deyno colaadda, aynuna ka gaashamano dawladaha isku diraya Somalida ujeedadooduna tahay in aan Somaliya meel gaarin. Aynu Ilaah barino in uu naga qabto dadka dhibaatada ka shaqaynaya ee shishayuhu ku aqdaamanayo. Ogaada shishayaha idinku shaqaysanayaa ogaa in aad doqomo tihiin mar haduu dadkiinii soo laaya idin yiri, idinkuna aad ka yeesheen. Xuma doonow, Somali kala dilow Ilaahay naga kaa qabey. Aamiin Ilahow Qaadir.
|
|
Last Updated ( Sunday, 03 August 2008 18:09 )
|