| GEEL JIRE GEELII DHACYEY |
|
|
|
| Written by Administrator |
| Sunday, 03 August 2008 18:32 |
|
Waxaanu u riyaaqnay khudbadii madax weynaha Somaliya uu u jeediyey golaha Puntland. Musharaxiinta u baratameysa Puntland dankoodu aad bay ugu riyaaqeen khudbadda Madaxweynaha Somaliya Xaafidulah Cabdullahi yusuf uu u soo jeediyey baarlamaanka Puntland. Waa mid loo baahnaa in loo jeediyo taliska iyo xildhibaamada Puntland. Taliska waxa lagu wareejiyey dhul iyo dadweyne ku nool nabad iyo horuumar, haatana talisku geyeysiiyey carqalado, fadqalalo, isdil, dhac, burcadnimo, colaad, iska horimaad iyo kala firdhasho Haatan oo geelii in yari ka hartay waxay geyeysiisay in mulkiilayaashii runta ahaa baadi doonaan wixii ka haray. Hadaba beelihii lahaa waxay door bideen in beel walbiba wixii ka haray inta sumadoodu ugu taal ay badbaadsato. Hadaba anagoo tix raaceyna khudbadii Madaxweynaha Somaliya Cabdullahi Yusuf, waxaanu beelaha Punland ee geela isku darsaday ugu baaqeynaa in aan lakala saarin geela ee laga bedelo geel jirta xaalufisay ee dayacday geeleena. Madax weynuhu wuxuu u hadlay si aad iyo aad u sharaf badan wuuna taabtay boogta hurgumootay. Madax weynuha Xaafidu Laahi inoo tilmaan dawada iyo sida ay ku haboontahay sidii maasha looga bixin lahaa boogta hurguntay. |
| Last Updated ( Sunday, 03 August 2008 18:40 ) |
Geel Jire Geelii Dhac



