Home MIYIGA
HORUUMARINTA DHIRTA MIYIGA EE PUNTLAND PDF Print E-mail
Written by Administrator   
Sunday, 03 August 2008 17:01

Horuumarinta Dhirta Miyiga ee Puntland.

Badanaaba waxaa reer miyiga lagu tilmaamaa dad ku nool nolol adag oo ka timid xoola dhaqasho. Miyi la'aan magaalo ma jirteen. Dadkeena 75% ayaa ku nool miyiga iyo beeraha. Hadaba waa lama huraan in la hormariyo bulshada ku nool qaybta miyiga.  Biya hadii loo helay, colaad fara badan ee dhex maraysay reer miyaga  way baabi'i.  Guuritaankii tirada badnaa ee ay reer miyigu  daaq la dooni jireen xoolahoodana waa baaba'ayaa. Reer miyiguna waa negaan oo reer walba wuxuu ku negaan meel qura.

 

Siyaaba badan baa loo hormarin kara miyiga iyo dadka degan. axaanu mamnuuc ka dhigaynaa dhoofinta dhuxusha. Ha ahaato mid gobolla kale loo qaado iyo mid dibadda loo dhiifiyaba, sharci adagna waa laga soo saarayaa. Midda gudaha laga shito waxaa lagu bedelayaa shidaalo kale oo wax logu karsado iyadoo la isticmaalayo jikooyinka qorraxda iyo korontada qorraxda laga dhaliyo ku shaqaya. Hadaba inta aan dadku ka wada sinaan isticmaalidda jikooyinkaas, waxaa la shidan dhuxul, hase yeeshee iyadana waxaa la soo saarayaa sharciyo adag oo mamnuucaya in la gooyo dhir nool oo la shido. Waxaa keliya oo la fasaxayo waa gubidda dhirta dhimatay oo loo isticmaalayo adeegsiga gudaha.

Waxaa maamulkayagu ku dadaalayaa sidii loo abuuri lahaa dhir aad u farabadan annagoo samaynayna kaymo aan la geli Karin. Kaymahaas waxay gaar u noqonayaan ugaarta sida gumburiga-dameer farowga, cawsha, biciidka, deerada, sagaarada, goroyada, geriga, daayeerka iwm. Waxaanu abuuraynaa Wasaaradda Xannaanada dhirta iyo Horuumarinta Miyiga.

Waxaanu sharci adag ka soo saareynaa dadka ugaarta laaya, iyadoo loo taxaabayo xabsiga qofkii lagu helo dembi la xiriira laynta ugaarta.
Waxaanu manaahijta dugsiyada hoose/dhexe ku dareynaa barnaamij ah xannaanaynta Dabiicadda. Waxaanu ku dareynaa barnaamijyada idaacadaha iyo televisionada barnaamij lagu boorinayo dadweynaha Puntland sidii ay ku abuuri lahaayeen dhir fara badan miyi iyo magaalaba. Waxaa la gaarayaa heer ay guri walba ku hareeraysan yihiin dhir aad u farabadan.
Waxaa reer miyiga la barayaa sidii dhulka loogu talaali lahaa dhir farabadan oo manaafac badan u leh xoolaha sida beeridda lablabka, alfa-alfaha, yicibta, quraca, qandalka, hambaruurka, gobka, gomoshaha, qansaxa, sarmaanta, jeerinka, dharkaynta, mareerka, dhafaruurta, mayrada, qalowga, xamurka, gumarta, cadayga, iyo dhirta noocyada badan ee xaabka iyo xayga leh, iyo kuwa qobcada dhala.
Dhirtaas iyo kuwa kale oo manaafacaad u leh xoolaha ayaa sida loo beero iyo sida loo waraabiyo la barayaa reer miyiga. Hadii aanu dhirta manaafacaadka leh laba ka soo qaadno sida alfa-alfaha iyo lablabka.

Alfa-alfuhu waa cagaar aad ugu ballarta dhulka oo nafaqa badan u leh xoolaha. http://www.uwex.edu/ces/crops/uwforage/alfalfa.htm, http://www.alfalfa.info/ http://www.soilandhealth.org/01aglibrary/010102/01010212.html
Lablabku ma aha mid ka baxa wadankeena hase yeeshee waa geed cagaar badan oo u roon dhulka iyo xoolaha. Dhulka oo dhan wuxuu ka dhigaa cagaar il-qabad fiican leh, aadna ugu wanaagsan dhulkeena, wuxuuna dhulka ka celiyaa qorraxda xoogeeda si aanay u wax yeelayn bacraminta dhulka. Wuxuu kaloo dulka u duxiyaa bacramin sida lauska (Arachide). http://www.tropicalforages.info/key/Forages/Media/Html/Lablab_purpureus.htm http://www.seedland.com/mm5/merchant.mvc?Screen=CTGY&Store_Code=Seedland&Category_Code=WG-LAB http://www.wildlifeseeds.com/info/lablab.html http://www.mobot.org/gardeninghelp/PlantFinder/Plant.asp?code=A114

Lablabku wuxuu kordhiyaa xoolaha miisaankooda iyo caanohooda, durbadiiba xooluhu way ku naaxaan. Waxaa geedkaan lagu talaalay oo aad loogu badiyey wadamada aynu jaarka nahay sida Ethiopia, Kenya, Sudan, Uganda, Tanzania, iyo wadama kale sida Egypt, Nigeria iyoTurkey. Sidoo kale waxaynu ku abuuri karnaa yicibta oo aad ugu fiican xoolaha.
Waxaanu isku hawlnay sidii aanu u heli lahayn shirkadaha ugu fiican ee soo saara xirfadaha lagu hodmiyo dadweynahooda, gaar ahaan kuwa ku xeel dheeraaday horuumarinta wadamada soo kobcaya. Waxaanu xiriir wanaagsan la soo yeelanay afar shirkadood oo qaabilsan cilmi baaridda iyo abuuridda dhirta miraha ganacsiga dhasha iyo dib u hagaajinta dhulka xaalufa.

Last Updated ( Sunday, 03 August 2008 17:13 )
 

Random Image

mel_2.jpg

Campaign Donation

This is a great cause. Please donate to this campaign to help us shape the future of Puntland the state of Somalia and the future of our children in the diaspora.

THANK YOU

Puntland For Change.   Puntland Change Home Page.