Home Su'aalo ku Socda Maamulka
SU’AALO KU SOCDA MAAMULKA IYO DADWEYNAHA PUNTLAND PDF Print E-mail
Written by Administrator   
Saturday, 09 August 2008 15:41
Waxaanu sugney muddo farabadan in dadweynuhu u jawaabaan maamulka Puntland. Qodobada iyo shuruucda maamulka fashilmay ee Puntland uu soo saarayo,

wareegtooyinka iyo warbixinada iska daba jooga loo soo saarayo, cuskashada dastuur aan la hirgelin ee badankiisu qaldan yahay oo Issimadu ka soo hor jeensadeen, xorriyadda Puntland oo la afduubayo, falalka ciidamada Boliska oo lagu sheegayo fadqalalo in ay ka wadaan wadanka hase yeeshee ay yihiin kuwa dawladu soo abaabushay, burcad badeedka ay dawladu soo maamushay wax qaybsigana la leedahay, wasiirada ka cararaya iyo kuwa is casilaya, ku dhawaaqidda maamulku sheegay in aaney ku qaadan hayn muddo badan, soo celinta wadanka maqan, cuskashada wareegtooyin uu soo saaray maamul ka horeyey (Maamulkii Cabdullahi Yusuf) iyo arrimo is debajoog ah oo Dhaka faar dadka geliyey ayaa maalmahaan ka soo yeeraya maamulka fashilmay ee Puntland.Maxaa dheriga karka ka keenay? Maxaa dadweynaha maamulka ka soo horjeediyey? Maxaa maamulkaan ka bedeley kuwii ka horrayey?Waxaan jecelnahay in aan dadweynaha iyo taliska weydiino dhowr su’aalood. Su’aalaha badankooda waxaanu ka soo bixinay warbixinta ka soo yeereysa maamulka sida:http://www.lasanod.com/details.php?linkid=183&num=819  http://www.allmudugnews.com/view.php?id=1730 http://boocame.com/page_view.php?articleid=24361.      Maxaa maamulku u soo dhicin waayey wadanka la qabsaday hadii uu awoodo in uu ku soo celiyo muddo yar. –Annagu ma oran ee maamulaha taliska fashilmay ayaa ku dhawaaqay. Waxaanu su’aalahayaga sal uga dhigaynaa khudbadii maamulaha taliska uu jeediyey. http://boocame.com/page_view.php?articleid=2436. Maamulaha taliska Puntland waxaanu dhammantaya ka codsaneynaa in uu wadanka maqan soo celiyo, marba hadii ay saas u sahlantahay in loo soo celinkaro gobolka naga maqan. Waa Ilaahay mahadii hadii talisku garawsaday arrintaas oo qof walba oo Puntlander ah ku taagan. Waqtigu waa socdaa, maalin walba oo wadanku naga maqan yahayna waa noo urugo iyo calool xumo. Wuxuu gobolku maqan yahay saddex boqol oo maalmood iyo tira siyaada ah. http://www.lasanod.com/?linkid=183. (Ka eeg dhanka midigta ah). Beeluhu waxay diyaar u yihiin in ay kaala qayb galaan maamulka soo celinta gobolka naga maqan ee Sool. Dankastaba ka lahaw, ujeedada aad hadeer u garatay in aad soo celiso wadanka maqan wax kasta ha ahaato. Diyaar bay militiada beeluhu kuula yihiin in ay soo celiyaan wadanka maqan. Waxa keliya oo maqan waa hogaan abaabula soo celinta wadanka maqan. Hadaba hadii musharixiintu soo galaan waxaa hubaal ah in wadanka la soo celinayo anagoo isticmaaleyna ciidamada beelaha. Hadii musharaxiin kale ay soo celiyaan, haatanna hunu-hunudu ay u badan tahay xiriiro wanaagsani in ay dhex marayaan musharaxiinta qaarkood iyo beelohooda in ay soo celinayaan wadanka si ay u helaan doorashada. Soo dhicinta wadanka maqan sharaf bay kuu noqoneysaa oo waad ku faani doontaa so dhicinta aad wadanka soo dhicisay. Iska dhaaf wax kale beelaha dhulka deggan waa diyaar in ay iyagu soo dhacsadaan. Waxaa ku filan kharajka gaadiidka keliya in dawladu bixiso. Kuwa hadeer haysta, hadii ay maqlaan in wadanka difaaciisa dadka iyo dawlada Puntland ay u soo qalab qaateen, iyagaa iskaga tegaya. Waa hubaal in aan xataa xabadi dhici doonin. Hadaad wadanka soo dhiciso, in bil ah kama hadli doono wax siyaasad ah, ceebaha talisku leeyahayna bishaas waanu ka aamusin. Wixii ka dambaya bisha August 21deeda ka dambaya halgankayaga ayaanu bilaabidoona hadii aadan wadanka soo dhicin. Dadweynuhu kaama siisanayo hadii aad wadanka soo dhicin tiisa aad dib ugu dhigto oo aad ku soo toosiso doorashada. Lagaamana gadanayo in aad wdanka dagaal geliso marka ay doorashadu soo dhowaato si aad ugu magan garsiinyooto dagaal baanu ku jirnaa oo doorasho ma dhic dhacayso. Abtiyow dad baa doonaya in ay dalka kala jejibiyaan oo magan garsiinyo raadinaya ee adigu ha u noqon sababtii la isticmaali lahaa. “Anoo booyi lahaa baa sac qoobka I saaray”2.      Dhowr goor baanu ku dhawaaqnay in aanu soo celinayno wadanka maqan inta aan doorashada la gaarin. Waxaanu ka codsanay musharaxiinta kale in ay isku biiriyaan awoodooda ciidama beelaadka si ay u soo dhiciyaan dalka maqan. Ma taas baa talisku ka hinaasay? Haduuse awoodo talisku muxuu la sugayaa? Waxaa dadweynuhu ogyahay in wadanka la qabsaday inta maamulkani gacanta ku hayey maamulka. Waxaana la ogyahay in heshiis maamuluhu la soo galay taliska Somaliland. Hadii warkaani been yahay waxaanu dooneynaa in talsiku ku soo celiyo wadanka maqan si deg-deg ah. Wadan wada dhan baa lagaaga tegey, ee ha laguugu yimaado wadan wada dhan. Badan kayagu ma jeclaysan warbixintii maamuluhu siiyey BBCda ee uu ku yiri, hadii gobollo farabadan la qabsado, waxaan gudoomiye ka ahaanayaa gobolka ama magaalooyinka ii soo hara. Midna waanu ku dhiiri gelineynaa maamulka. Hadii uu soo dhiciyo wadanka maqan, waanu yarayneynaa canaanta badan. Waxayna maamulka u noqoneysaa amaan uu kula baratami karo musharaxiinta soo qamaameysa ee doonaya in ay wadanka maqan soo celiyaan.3.      Goormaad joojineysaan afduubka dadka samafalka u shaqaya ee maamulku ka dambayo, hadana dadkale lagu nabayo? Ujeedadee baad ka leedihiin waanu idinla yaabnaye? Maxaase dadka kale dhusa uga saareysiin falalkiina? Ma waxaad u malayneysaan in ay dadweynuhu run idiinka qaadanayaan?4.      Amaanka Puntland yaa khalkhal geliyey? Maxay yihiin wasiirada wata ciidamada ee wadooyinka xabadaha ku ridaya oo laynaya dadka reer Puntland? Imisa qof bey dileen, meeqayse sii dilayaan inta ummadda iyo wadanka la idinka qabanayo? Xageedse u carari doontiin? Miyaanse la idiinku imaan doonin wadanka aad tagtiin? Miyaaneydaan ogayn in Somalidu meel walba tagtay? Heedhe ma dhoohantihiin?5.      Sharcigee baa u bannayey in Wasiiradu la soo galaan askartooda golaha baarlamaanka si ay u handadaan xildhibaanada ku eedayey taliska is-daba maryaynta xisaabaha miisaaniyadda Puntland?6.      Maxaadse idinku xildhibaano ka tihiin hadeydaan la tiigsan hayn sharciga wasiirada xeerka jebinaya?7.      Maxaa garsoorku uga madax bannaanaanwaayey maamulka taliska? Miyaaney saddex xubnood oo kala madax bannaan ahayn Maamulka fulinta, golaha xildhibaanada, iyo garsoorka?8.      Maxay wasiiradu uga cararayaan taliska fashilmay ee Puntland? Bogaadin weyn waxaanu u direynaa Wasiiradda Wasaaradda Arrimaha Haweenka. Maqaalada laga qoray sharaftaada ayaanu akhrisanay. Waad karaamaysantahay ee Allaha kuu kordhiyo.9.      Puntland miyaaney ahayn meel xorriyadi taal? Maxaa loo diidayaa qofkii raba in uu is sharaxo ama galo olole lagu dooranayo? Miyaanu qof walba la shiri Karin dadkii uu rabo? Dastuurka aad qorateen ee la idinka diiday miyaad dadka sanka ka gelineysaan?10.  Waa kee wadanka xorta ah oo idinla qaba in dadweynaha xorriyadda laga qaado? Mase la socotaan in wadamada xorta ah shicibku haysankaro hubka ay doonayaan si ay isaga ilaaliyaan dawlada. Tusaale aan idiinku soo qaadno wadanka Mareykanka, oo qofwalba xor u yahay in uu haysto hubkii uu doonayo, xorna shicibku u yahay in ay lahaadaan ciidamo (militia). Hadaad u malayseen in dadkeenu juhulo yahay, waad mala habawdeen, oo idinkaan wax ogayn.11.  Maxaa maalmahaan qaylada faraha badan idinka keenay oo maalin walba wasiir hor leh uu warar aan saxnayn iyo been hor leh uu shaaca uga qaadayaa? Idinku miyeydaan quusan? Goormaase wasiirda haray idinka tegayaan?12.  Ma idinla tahay in dadweynuhu moogan yahay in aad leedihiin makiinadaha samaya lacagta? Mise waxaad u malayseen in ay aamineen furfiridda makiinada lacagta samaya? Mise waxaad u malayseen in ay moogan yihiin shirkadaha idiin bedeley lacagta oo doolarka qurba joogtu soo dirtay idin siiyey? Ma waxaad u malayseen in dadweynuhu moogan yahay shirkadaha aad u diideen in ay ka qayb galaan suuqa xawilaada lacagaga.13.   Maxaa maamulku ugu arkay dadweynaha diidan dacdarrada in ay yihiin cadow gudaha ah, ayna ka daran yihiin cadowga dibadda? Maxaase ka weyn dadka kaa haysta wadankaagii? Talis yohow wadankaad bixisay soo celi hadii ay muddo yar kugu qaadaneyso. Suura gal in dadweynaha qaarkood cod ku siiyo.14.  Maxaa maamulku ku qabtaa hubka faraha badan ee uu uruursaday hadaanu wadanka ku soo daaficihayn? Affar doonyood hub ah inta, laba doonyood hub ah xagga.   http://www.somalitalk.com/oil/oil137.html Laba diyaaradood hub ah inta, hal diyaarad hub ka buuxo xagga, Yaad hubka u guraneysiin hadeydaan wadanka ku daaficihayn?15.  Maxaase idin tusay hubka beelaha, kiinana idinka qariyey? 16.  Maxay ku dhacday taliska wasiiradiisa qaarkood iyo dad aan wasiiro ahaynba ay wataan ciidamo, hub xoog weyn, technicals, iwm, hase yeeshee aad u diidan tihiin in musharax doonaya madaxtinimada uu wato wax uu isku difaaco iyo ciidamo beeleedkiisa? Ratiba ratiga ka horayuu saan qaadkiisa leeyahay ee na tusa idinka oo magaalada dhex mareysiin idinkoon technicals wada ku xawaaraynayn. Hadeydaan idinku yeeli Karin taas, caqli yeesha oo nacncada faraa badan joojiya. Hadii kale hubka xooga leh ee aad u qorshaysaeen in aad xukunka ugu waartiin soo bandhiga, musharaxiintu ha quustaane.17.  Sababta aad hubka uga qaadeysaaan beelaha maxay tahay? Annaga ma oran gabayga “Marka hore dabkuu idinka dhigi dumar sidiisiiye, marka xiga ….” http://www.tanadland.com/index.php?subaction=showfull&id=1168712158&archive=&start_from=&ucat=2& 18.  Ma waxaad soo wadiin diktatornimo> dadkuse ma idinka yeelayaan? Mise waa idinka dhab in aad gobollada kala erisaan ooh al gobol idiin soo hadho?19.  Maxaad wadanka u keenteen suntan iyo haraaga nuclearka (Nuclear waste and hazard materials) oo aad ugu aastay dhulkeena? Lacagta aad ka heshayna maxay ku taraysaa hadii aad dadkii iyo dalkiiba gadatay? Goormaadse is ogaaneysiin in dadweynuhu idin og yahay? Ma dad runta idiin sheega baad la’dihiin? Ma ogtihiin in ay Somaliya sidaan ku soo baaba’day?Tala aanu idin siino: Waxay nala tahay in aad meel isku qufusheen, oo aydaan ka war qabin waxa wadanka ka dhacaya. Ana dad runta idiin sheega u soo dirsada magaalooyinka.Hadaad u malayseen in la idinka aamusay, qaraaro iyo go’aano kale baa ka soo socda golaha musharaxiinta Puntland. Xuux waryaa. Maahmaahdana annagaa kuu dhamaystireyna “Nin daad qaaday,… heeh,  kaas waa ku daayey”. Waxaanu filaynaa in maamulaha taliska uu ka quusto in uu ku soo noqdo maamulka, kuwa ka dambaya abaabulidda sidii weji kale maamulku u yeelan lahaa ay ku fekeraan bal qof kale in ay markaan soo sharaxaan. Ninkii ceelka ku dhacay wuxuu yiri “Bal shaba shaba igu daya in aan ceelka salkiisa ka soo boodo”. Aanu idin hoga tusaalaynee mdikale oo aan maamulka ku jirin soo geliya baratanka, iskuna daya in aad u gadiin codadka. Heedhe hobabaro ma libaax bey soo wadaa?Qore: Musharax Farjac This e-mail address is being protected from spambots. You need JavaScript enabled to view it www.PuntlandForChange.comwww.farjacForPuntland.com 

Last Updated ( Saturday, 09 August 2008 15:58 )
 

Random Image

mel_2.jpg

Campaign Donation

This is a great cause. Please donate to this campaign to help us shape the future of Puntland the state of Somalia and the future of our children in the diaspora.

THANK YOU

Puntland For Change.   Puntland Change Home Page.